Dadka danyarta ah ee ku shaqaysta Dameeraha Dagmada Burtinle oo ay soo wajahday Arimo adag (Sawiro)

Sunday February 09, 2014 - 16:16:42
0 Comments
2266
Super Admin
Dadka danyarta ah ee ku adeegta Dameeraha si ay ugu soo Guraan Xaabada ama quryaha la shito qofba sida uu u yaqaan ayaa waxaa soo bajahay Arimo la xiriira Caafimadka Xoolaha dameeraha ee ku dhaqan Dagmada Burtinle.

Dadka ayaa ka cabanaya Xayawaanka dameerka oo ay ka soo saari jireen Nolol maalmeedkooda in ay jirto xanuun ku dhacay Dameeraha ku nool Dagmada Burtinle, ayada oo ay ku dhinteen muddo ka yar labo bilood ilaa 37 Dameer inta la xaqiijiyey ayada oo aanan la ogayn sababta.

Dhibaatada soo gaartay dadka danyarta ee ku shaqaysta Dameeraha ayaa ah mid adag ayada oo ay saameyn kale ku yeelatay dadka deegaanka oo heli jiray Adeeg xagga Xaabada la shito oo qaaliyowday iyo dhimashada ka dib xayawaanka oo bii'ada dhib u gaysta maadama ay marka roobku da'o Dagmada la isticmalo Biyaha Barkadaha .

Ilaa hada ma jirto Cid ka hadashay ayada oo ay ii xaqiijiyeen Dadka Adeegsada Dameeradu in ay la sameeyeen Xiriir Maamulka Dagmada iyo Hay'adaha ka howl gala dagmada .

Sido kale dadka adeegsada ayaa ii sheegay in ay jiraan tuhun la xiriiraha in ay jirto sun la siiyey xayawaankaan dameeraha oo ay dadka deegaanku qar dhibsadaan ka dib markii habaynkii aan la xirin ayaga oo fagaarayasha magallada aad ku arayso xili kasta sido kale ay maamulku in badan ka hadleen in dadka leh ay u sameeyaan maamul ah in magalada laga saro xayawankaan .


Teaser Image Dameero qarax loo qorsheeyay

Gaadhi Dameer Agab Qaxiiti Daabulaya

Related Items


Leave a comment