Allaha u naxariistee waxaa saakadii hore wadanka Germayn ku geeriyooday Al-fanaan Maxamed Salleebaan Tubeex oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka xanuun sanayay sababada.
Geerida Tubeec waxaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo la yiraahdo Mustafe Maxamed Salleebaan wuxuna sheegay Aabihii in labo jeer qaliin Sababadda looga sameeyay hase-yeeshee xanuunka hayay uu markii danbe u dhintay.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa fanaaniinta ugu miisaanka culus ee gayiga Somalia waxana lagu xasuusan doonaan heeso kala duwan oo u badan wadani,waxana loo doortay Tubeec Boqorka codka Somalia.
Leave a comment