Barnaajikan
muhiimka ah waxaa ka faa’iidaysanaya in ku dhaw 43 Arday 11 ka mid ah
Ardaydaasi waxay ka Socdaan Magaalada Muqdisho Qaasatan Wasaarada
Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, 18 Ardayda ka mid ahna
waxay ka socdaan Wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland halka 14
Ardayda ka mid ah ay Lacagta iska bixinayaan.
Xiritaanka
Barnaamijka oo Hadalo Kooban laga soo jeediyay waxay sheegen
Macalimiintii ka socotay Jaamacada Nairobi in Waxbrashada ay la
dagaalamayso nabadla’aanta oo qof kastoo jahli ah haduu wax barto uu
dadkiisa anfici karo, waxayna rajo wacan ka muujiyeen in Ardayda ay si
wacan uga faa’iidaysan doonaan Barnaamijkan.
Sheekh
Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Maamulaha Jaamacada Bariga afrika faraceeda
Garoowe wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo fursadan qaaliga ah oo ay
heleen Ardayda Somaaliyeed ayna noqonayso mid kaabta tacliinta Dalka,
wuxuu sheegay in Jaamacada EAU ay Diyaar u tahay hogaaminta
Barnaamijkasta oo waxtar u ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ayna soo
dhawayayaan.
Wasiirka
Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji
Warsame oo Xaflada soo xiray wuxuu sheegay in uu Jeclaan lahaa in uu
Ardayda ku biiro hase ahaatee aysan hada macquul ahayn wuxuuse balan
qaaday Kulamada kale in uu ka qayb gali doono Isagoo arday ah, Wasiirku
wuxuu dhiirigelin gaar ah usameeyey ardayda ka timi Muqdisho isagoo
sheegay in dalkoodii hooyo ay joogaan si diiranna loo sii dhawayn doono.
Jaamacada
bariga Afrika ayuu si gaar ah ugu Amaanay Wasiirku Qaabilaada iyo
Xiriirinta Barnaamijka, wuxuuna ku booriyay Ardayda in ay la tartamaan
macalimiinta wax baraysa oo Su’aalaha ku badiyaan oo aysan iska fadhin
sida Arday bilow ah oo kale, Maadaama ay master diyaarinayaan.
Barnaamijkan
wajigiisa 1aad wuxuu bilowday 3dii bishan wuxuuna ku ekaa 12kii Bishan,
wuxuuna si toos ah usoo dhamaan doonaa February 2015.
Sidoo Kale jaamacada bariga Afrika waxay Casho Sharaf soo dhawayn ah u sameesay Ardaydii martida ahaa ee ka socday Muqdisho waxaana Casho Sharaftaasi kasoo Qayb galay Madaxda Wasaarada Waxbarashada sida Wasiirka Agaasimaha guud Agaasimaha mashaariicda kan imtixaanaadka iyo sidoo kale macalimiin ka tirsan EAU wuxuuna kusoo dhamaaday Isbarasho Dhiirigelin iyo sii dhawayn.
Leave a comment