24ki saac eela soo dhaafay covid 19 inta la diiwaangeliyay waxaa u dhintey cudurkan dad gaaraya 12 ruux

Tuesday March 09, 2021 - 23:02:25
0 Comments
429
Nasteeh Bare
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19.

Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in guud ahaa dad gaaraya 139 ruux laga helay 24kii saac ee ugu dambeysay iyadoo dadkaasina 92 ay ku sugan yihiin gobolka Banaadir,Somaliland 33 ruux, Jubaland 11 ruux iyo Hirshabelle oo laga helay 3 ruux.


Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka ayaa la sheegay inay gaarayaan 1072 ruux.


Guud ahaanba inta la diiwaangeliyay oo cudurkan u dhintey waxa ay gaarayaan 12 ruux oo 10 ka mid ah caasimada dalka ay ku dhinteen halka Somaliland uu ku geeriyooday hal ruux balse Jubbaland uu halka kale ku geeriyooday.


 

Related Items


Leave a comment