Golaha Ammaanka QM oo ku baaqay in deg-deg loo qabto doorashada Soomaaliya

Thursday April 01, 2021 - 14:28:33
0 Comments
410
Nasteeh Bare
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada in ay ugu horayn shiraan si loo xaliyo khilaafka ka jira doorashooyinka.



Golaha amaanka ayaa ugu yeeray dhinacyada in ay xalliyaan arrimaha taagan iyadoo lagu saleynayo heshiis ay gaareen 17 Sebtember 2020.


Tani waa baaqii labaad ee bishaan ay soo gudbiso hay’ada ugu awooda badan Q.M. ee ku aadan wax ka qabashada khilaafka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.


12-kii Maarso, goluhu wuxuu ku booriyay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada "in ay qabtaan doorashooyin xor ah, caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhan yahay” iyadoo la raacayo heshiiskii Sebtember "dib u dhac la’aan.”


Danjiraha Ingiriiska Barbara Woodward, oo ku baaqday kulanka deg dega ah ee laga yeeshay xaaladda Soomaaliya, ayaa Waxa uu yiri goluhu wuxuu aad u soo dhaweynayaa dadaalka Swan "isku soo dhaweynta xisbiyada iyo in lagu dhaqaaqo doorashooyinka sida ugu dhaqsaha badan, laakiin aan dhib gaysan.”


Xubnaha golaha ayaa sidoo kale amaanay doorka midowga afrika ee "kor u qaadida wadahadalada dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.”


Related Items


Leave a comment