Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in aanay jirin qorshe dowladda ugu jiro oo ah in la weerarayo Jen. Saadaq Cumar Xasan oo xalay dib ugu laabtay deegaanka Shirkole oo ah deegaan ay u badan yihiin reerkiisa
Xundubey ayaa yiri
waa nasiib darro in dad mas’uuliyiin ah ay ka shaqeynayaan kicin iyo abaabul
dagaal.
Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in rag mas’uuliyiin ah ay wadaan inay kala furfuraan ciidamada xoogga oo qaab maleeshiyo ay ugu abaabulayaan, isagoo tilmaamay in dhismaha ciidamada xoogga dalka la geliyay dadaalo iyo juhdi badan.
Si kastaba ha ahaatee xaalada deegaanka Shirkole ayaa saaka degan, iyadoo ciidankii uu watay Saadaq John ay difaacyo ka sameysteen.
Leave a comment