Galkacyo
Musharax u taagan xildhibaanimada Barlamaanka Federal Somaaliya oo shalay xaflad Ku qabtay mid kamid ah hotelada magaalada Galkacyo ayaa soo badhigay taariikh nololeedkiisa waxbarasho.
Dr.Maxamed Hassan Kulmiye oo ah musharax u taagan xidhibaanimada Barlamanka Federalka 2021-2025 ayaa salaan kadib sheegay inuu dhashay 1980 uuna ku dhashay magaalada Luuq-Ganaane ee gobolka Gedo.
Isagoo waxbarashada fasalka labaad ka bilaabay iskuulka C/laahi Binu Cabaas oo Ku yaalla xaafada Garsoor ee Galkacyo ilaa fasalka 7-baad islamarkaasna u wareegay magaalada Bosaaso ee gobolka Bari, isagoo waxbarashadiisa kasii waday ilaa heer dugsi sare fasalka 4-aad.
Musharaxa waxaa uu waxbarasho u aaday dalka Sudan islamarkaasna waxaa uu waxbarasho ka bilaabay jaamacada Al-zaciim qaybteeda caafimaadka- General health. Musharax luuqadaha uu ku hadlo waxa ka mid ah English Arabic iyo luqada Hooyo.
Musharax Maxamed Hassan Kulmiye markuu arkay habaca dowladnimada Soomaaliya soo gaaray & howlaha badan ee looga baahan yahay dowlada dhiska Somalia ayuu go'aansaday inuu ka qayb qaato dhismaha dalka.
Axmed khadar Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo
Leave a comment