Madaxweynaha Dalka South Sudan Oo Warqadihii Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Somaaliya

Thursday July 15, 2021 - 00:08:57
0 Comments
367
Jubba City

Madaxweynaha Dawladda South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoomay safiirka cusub ee Dawladda Soomaaliya u fadhin doona dalka South Sudan Eng Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Madaxweynaha dalka Sudan iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyo Horumarinta ganacsiga Ka dhexeeya labada dal sida ay Shaacisay warbaahinta Qaranka somaaliya Xalay.

Dalka konfurta sudaan ayaa ah dal aan walaalo nahay islamarkaasna tixgelin weyn siiya muwaadiniinta soomaaliyeed ee dalkaasi Ku dhaqan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment