Baydhabo
Qaar kamid ah dadweynaha Magaalada baydhabo ayaa soo dhaweeyay Xaflay uu Xalay u sameeyay Xildhibaanada Cusub ee Aqalka Sare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudae Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen .
Xaflada ayaa isugu jirtay Mahadcelinta Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo soo dhaweynta Xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ay doorteen xildhibaanada Koofur Galbeed.
Xaflada oo si qurux badan u dhacday ayuu Madaxweyne Laftagareen ugu hambalyeeyey xildhibaanada cusub ee aqalka sare loo doortay, sidoo kale uga mahadceliyey xildhibaanad Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shaqadii adkeyd ee ay qabteen.




Leave a comment