Muqdisho
Shirkan ayaa Maanta uga furmay Madax ka socota Golaha Nabadda Midowga Afrika oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa Ku sugnaaa Wasiirada Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji,Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka Golaha Midowga Africa, Fiyoona Looran, Madaxa howlaha Nabadda Midowga Afrika, Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM iyo Madaxda Qeybta qorsheynta Howlaha ee Midowga Afrika.
Shirkaan oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa qiimeyn ay Madaxda Midowga Afrika ku sameeynayaan Hay’addaha amniga Soomaaliya.
Meeraysane.com
Leave a comment