Garoowe
Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaan maanta dhaggax dhigay dib u dayactic lagu sameeynayo 40-km oo ka mid ah Wadada Isku xirta Laascaanood iyo Garoowe.
Dyactirka lagu sameynayo wadada Laascaanood ilaa Garoowe, ayaa waxaa ku jira buundooyin, waxaana dhisaysa dowladda puntland oo ku fulinaysa hab-isku-tashi ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shaqada socota ee dib loogu dayactirayo Wadooyinka Gobollada Puntland, isagoo Bulshada u tilmaamay in la dhisi doono Jidadka Gobolka Gardafuu iyo Degmooyinka Taleex, Boocame iyo Buuhoodle.
Dhagax dhigan waxaa ka Qayb-galay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha Wadooyinka Puntland.
Leave a comment