Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Oo Xariga Ka Jaray Dekeda Kaluumaysiga Ee Hobyo

Saturday September 25, 2021 - 22:52:42
0 Comments
449
Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Daahfurka Deked Kalluumaysi oo laga hirgaliyay magaalada Hobyo.


Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS C/raxmaan Sh Yuusuf Al-caddaala, Wasiirka Dekeddaha Galmudug Saabir shuuriye ayaa si wada jir ah xariga uga jaray dekaddan Kaluumeysiga ee ay Hobyo yeelan doonto.

Senator Cabdi-Qaybdiid oo qeyb ka ahaa Xarig jarkan ayaa yiri "Dekedda Kaluumeysiga Hobyo ee aan Xarig Jarkeeda Maanta u joognay waxay Horudhac iyo Bilow u tahay Dhismaha Dekedda Weyn ee Hobyo oo aan rajaynayno in isku Tashi Bulsho lagu dhiso.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment