Afar Kamid Ah Kuraasta Barlamaanka Federalka Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Garoowe

Thursday January 27, 2022 - 14:29:07
0 Comments
446
GAROOWE

Doorasho manta ka dhacday xerada ciidamada 54-aad ee Garowe waxaa lagu doortay afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Kursiga 1-aad oo sumadiisu tahay Hop#128 oo laga soo doorto Gobolka Nugaal/Garowe, waxaa ku soo baxay Maxamed Cabdiraxmaan Axmed Xayle, horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdikaafi Maxamed.


Kursiga 2-aad oo tirsigisu yahay Hop#223 lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Buurtinle, isagoo uu kusoo baxay Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Jubaland Xirsi Jaamac Gaani, Waxaa horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Axmed Jaabir.


Kursiga 3-aad oo sumadiisu tahay Hop#232 ee lanaga soo doorto Gobolka Mudug/ Galdogob, waxaa ku soo baxaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Fardowsa Cismaan Cigaal, Waxaa horay ugu fadhiyay Cabdirashiid Daahir Gaboobe.


Kursiga afraad oo sumadiisu tahay Hop#144 lagana soo doorto Gobolka Mudug/ Cagaaran, waxaa ku soo baxaya Wasiirka Qorshaynta Puntland C/qafaar Cilmi Xaange, Waxaa horay ugu fadhiyay Faysal Cabdulle Guuleed.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment