Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku
qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka
ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo
wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah
argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee
Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka.
Gudoomiyaha
Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire
Bankole Adeoye oo uu la socdo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire
Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee
loo sameeyay, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay
geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka, amniga dalka iyo la dagaallanka
argagixisada.
Kulankan waxaa
Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga ah, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday
Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee
Soomaaliya.
Meeraysane.com
Leave a comment