PESHAWAR
Ugu yaraan 30-ruux ayaa ku
geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid ay shiicadu ku tukanayeen
salaadii jimcaha magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan.
Weli ma jiraan wax
faahfaahin ah oo ku saabsan weerarka ismiidaaminta ah iyadoo ay jiraan
daraasiin dad ah oo ku dhaawacmay qaraxa manta ka dhacay masaajidkaas.
Weli Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo ah mid ka
mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka pakistaan.
Meeraysane.com
Leave a comment