Wararka laga helaayo magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad
goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay weerar
khasaaro dhaliyay oo ay fuliyeen kooxo katirsan Ahlu Sunna.
Kooxo hubeesan oo la sheegay in ay katirsan yihiin Ururka Ahlu
Sunna ayaa dilay labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya gaar
ahaan kuwa Gorgor, islamarkaasna waxa ay kooxda dilka geeysatay ka baxsadeen
magaalada Dhuusomareeb.
Sida ilo wareedyo ay tilmaamayaan kooxda hubeesan ee dilka
geesatay ayaa horey usii qaadatay gaari Cabdi Bille ahaa iyo hubkii ay wateen
askarta la dilay, waxa ayna kooxdan u baxsadeen duleedka magaalada
Dhuusomareeb gaar ahaan dhinaca deegaanka Bohol.
afhayeen u hadlay maamulkaasi Ahlu Sunna ayaa weerarkaas ku
tilmaamay mid argagaxiso, islamarkaasna tilmaamay in ay socdaan howlgalo lagu
baacsanayo kooxdii hubeesneed ee dilka geesatay.
Leave a comment