Xildhibaano Cusub Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Baydhabo

Wednesday March 09, 2022 - 13:37:56
0 Comments
375
BAYDHABO

 

Doorasho maanta ka dhacday magaalada baydho ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka konfur galbeed soomaaliya ayaa u dhacday sidan.


Axmed Madoobe Nuunow ayaa ku guuleystay HOP#099 waxa uu helay 75-cod, halka musharax la tartamay uu helay 25-cod Deeqa Xuseen Xasan ayaa ku fadhisay kursigaan Baarlamaankii 10aad ee JFS.


Luul Ibraahim Cumar ayaa ku guuleystay HOP#168 kaddib markii ay heshay 86-cod, Nasteexo Axmed Nuur ayaa la tartantay oo heshay 15-cod horayna Xasan Macalin Xuseen ayaa ugu fadhiyay kursigaan.


Cabdisalaan Cali Cabdi ayaa ku guuleystay HOP#167 isaga oo heley 74-cod halka musharraxii la tartamayay ee Cabdi Maxamuud Maxamed uu heley 23-cod horay Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10-aad.


Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciirow Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay HOP#077isagoo helay 83-cod, halka Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod, 1 cod ayaa xumaaday, horay Isgoowe Deeqow Isaaq ayaa ku fadhiyay ayaa ku fadhiya kursigaan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment