Ra’iisul Wasaaraha XFS
Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka
ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka
dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha
Shacabka ee BFS.
R/Wasaare Rooble iyo
Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo
qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha
Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha
Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed
Xuseen Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, waxaana ilaa hadda
la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka,
Dhinaca kale waxay sheegay in aan la aqbali
karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, iyadoo R/Wasaaruhu ka codsaday
madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu
dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.
Leave a comment