Warar
dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad Caawa ka dhacay magaalada
Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Is rasaasayn ayaa dhex maray ciidanka police-ka Gobolka Mudug ee
Puntland iyo ciidamo ilaalo ka hayay Guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo
uu ku sugnaa wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali.
Hal askari oo la socday Wasiirka ayaa ku geeriyooday is rasaaasayntaas, waxaana ku dhaawacmay 3-Ruux oo ay ku jiraan Taliye ku xigeenka Qaybta police-
iyo Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo ruux kale.
Waxaa lagu daweeynayaa Nabaddoonka iyo Taliye ku xigeenka Qaybta
isbitaalka modareen warka ayaa intaasi
ku daraya in dhaawaca Taliye kuxigeenka Koomaad uu yahay mid culus.
Arintaan ayaa ku soo Aadaysa kadib markii Mas’uuliyiinta Gobolka
Mudug ee Puntland ay soo saareen awaamiir lagu mamnuucayo in shirar siyaasadeed
oo aysan dowladdu la soconin.
Leave a comment