MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta qaabilay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah safiirka dalka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa taas oo ku aaddan noqoshada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Guddoomiyaha ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta kula dar-daarmay in ay sii laba jibaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
Meeraysane.com
Leave a comment