AFISYOONI
Wareegii
kowaad ee doorashada madaxweynaha ayaa ku soo dhamaatay si nabad ah, iyadoo
intii badnayd Musharixiinta ay ku hareen wareega 1-aad.
Waxaa
wareega 1-aad ku soo baxay 4-musharax oo kala ah madaxweynaha iminka talada
haya farmaajo, Xasan sheikh, Xasan cali khayre, iyo musharax siciid c/laahi
dani kuwaas oo kala helay sidan.
1-Saciid Cabdullaahi Deni 65-cod
2-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59-cod
3-Xasan Shiikh Maxamuud 52-cod
4-Xasan Cali Kheyre 47-cod
Sikastaba ha noqotee waxaa tartanka ka haray Musharaxiin
misaan ku lahaa siyaasada oo la saadaalinayey iney wareega labaad u gudbi
doonaan kuwaas oo ay ka mid yihiin Shariif Shiikh Axmed oo helay 39 cod iyo
C/raxmaan C/shakuur oo isna 15 cod helay.
Meeraysane.com
Leave a comment