Cali Guudlaawe oo gaaray degmada Mahadaay

Thursday November 16, 2023 - 14:29:02
0 Comments
412
ahmed raajaa
MAHADAAY
Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo  gaaray degmada Mahadaay, isagoona kormeeray qeybaha kala duwan ee degmada oo ay saameeyeen roobab iyo fatatahaadaha ku dhuftay Degmada Mahadaay.

Madaxweynaha oo kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada ayaa u kuurgalay xaalada Nololeed ee ka jirta Degmada, oo inta badan xaafadaha looga barakacay roobabka da’aya iyo fatahaada wabiga shabeelle.

Madaxweynaha oo booqashadiisa ay ku wehliyeen Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Wasiir Ku Xigeenka Beeraha iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay isu gargaaraan isagoo deeq gargaar ah gaarsiiyay shacabka ku dhibaateysan Degmada Mahadaay.

Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday roobabka iyo fatahaadaha ka jira Magaalada Beledweyne isagoo tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto halkaas loona baahan yahay in gurmad iyo garab istaag loo sameeyo bulshada beledweyne oo guud ahaan uu saameeyay daadadka iyo fatahaada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in boqolaal qoys ay hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka iyo Fatahaada Wabiga Shabeele, isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in usoo gurmadaan shacabka la daala dhacaya musiibada fatahaadaha ah.
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment