Isimada SSC Oo Go'aamo Ka Soo Saaray Murankii Siyaasada Ee U Dhexeeyay Dowlada Puntland Iyo Mucaaradka

Wednesday December 06, 2023 - 17:20:10
0 Comments
292
ahmed raajaa
GAROOWE
Isimada SSC oo waday dhex dhexaadinta xukuumadda puntland ee uu hogaamiyo Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa maanta go’aan rasmi ah ka soo saaray muran ka taagan Arrimaha doorashada 2024.

Go,aanka ka soo baxay Isimada SSC ayaa lagu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024, iyadoo Baarlamanka hadda jooga ay doortaan Madaxweynaha iyo ku
 xigeenkiisa.  
Qodobada ayaa u qornaa sidan;-

1-In la ilaaliyo nabadgelyada iyo xasiloonida puntland cid walbana ka qaadato kaalinta kaga aadan.

2-In doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka lagu qabto waqtigeeda sida caadada u ahayd puntland 08-1-2024.

3-In madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka ay doortaan barlamaanka 5-aad ee puntland ee hadda jira.

4-In barlamaanka puntland ee hadda jira muddo xileedkooda ku egyahay 31-12-2024 dibna loo dhigo doorashadooda muddo 12-bilood ah.

5-Xukuumadda  puntland ee la doorto gudiga doorashooyinka ee puntland iyo xisbiyada siyaasadeed waa inay diyaariyaan doorashooyinka barlamaanka ee qof iyo cod 12-bilood gudahood ah.

6-Guddiga doorashooyinka puntland waa inay dhamaystiraan doorashooyinkii golayaasha degaanada ee degmooyinkii hadhsanaa.

WABILAAHI TOWFIIQ



Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment