BARDHEERE
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, oo ay weheliyaan wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland .
Iyagoona gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo kamid ah degmooyinka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.
Wafdigaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa, u qaybsamaha Qaramada midoobey ee arimaha gargarka iyo ban’iadanimada {DSRGS) George Conwey, Madaxda Hay’addaha UNICEF, WFP iyo madaxa Mashruuca gargaarka degdega ee hay’adda FAO Somalia, UN-OCHA Somalia.
Ujeedada Socdaalka Wafdiga ayaa la xariirtey u kuur gelidda sameynta ka dhalatey fatahaaddii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada Baardheere.
Iyo sidoo kale Burburkii Buundadii muhiimka u ahayd Bulshada magaalada Baardheere iyo Saameenta wayn ee ka dhalatay fatahaadaha Elnino.
Ugu danbeyntii waxa ay boqdeen sidoo kale xerooyinka ay dagan yihiin dadka Barakacaaysha ah ee sida ba’an u saamaysay fatahaada, iyo Buundada Burburtay, Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka degmadaas.
Leave a comment