GAROOWE
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiis 80-aad
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:-
1. Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)
2. Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)
3. S/gaas Muumin Cabdi Shire (Xubin)
4. S/gaas Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)
5. S/gaas Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)
6. S/gaas Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)
7. S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin)
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Leave a comment