Wasiir Soo-Cade oo amaro cusub dul dhigay Wariyeyaasha

Saturday July 09, 2016 - 20:00:54
0 Comments
1734
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde ayaa amar cusub dul dhigay Wariyeyaasha ka howl gala deegaanada Puntland, iyadoo Wasiirku wali handaad ku haayo warbaahinta madaxa banaan.

Amar ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Soo Cadde ayaa lagu faray wariyeyaasha inay isa soo diiwaan geliyaan, si loola socdo dhaq dhaqaaqooda.

Wasiir Soo-Cadde ayaa bishii la soo dhaafay Wariyeyaasha ka howl gala Puntland ugu hanjabay xabad iyo dil hadii aanay ka leexan, isla markaana joojin wareysiyada ay ka qaadayaan dadka ka soo horjeeda Maamulka Puntland.

Sidoo kale Wasiir Soo Cadde ayaa ugu hanjabay Xafiiska Telefishinka Universal ee Puntland inuu albaabada u laabi doono, kadib markii xalay telefishinku baahiyay barnaamij ka hadlayay Saxaafadda ka howl gasha Puntland iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan Maamulka.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiir Soo Cadde uu xiray Idaacada Daljir, balse todobaad kadib cafis Madaxweynaha Puntland uu u fidiyay lagu ogolaaday inay dib u howl gasho.

Warbaahinta Puntland ayaa ku jirta marxalad adag, iyadoo ay heysato labo daran mid dooro, iyadoo ay u sii dheer tahay handadaadaha joogtada ah, jirdilka iyo xariga.


Related Items


Leave a comment