Mareykanka oo war cusub kasoo saaray duqeyntii gobolka Mudug

Sunday October 02, 2016 - 18:29:40
0 Comments
1408

Wasaarada Gaanshaandhiga ee dowladda Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay duqeyntii Arbacadii lasoo dhaafay loo geystay saldhiga ciidanka maamulka Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Jeexdin ee Bariga gobolka Mudug.

Xoghayaha Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka Ashton Carter ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sameyn doonto baaritaan dheeraad oo ku aadan duqeyntii ka dhacday Bariga gobolka Mudug oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

Ashton Carter ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay wado baaritaano ku aadan in howgalka lagu dilay ciidamo ka tirsan dowlad goboleed Galmudug.

Dowladda Mareykanka ayuu sheegay in ay bixin doono jawaab kadib markii uu soo dhamaado baaritanada ay wadaan ee ku aadan duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo.

Ashton Carter wali Macadeyn  dadka la dilay waxa ay yihiin lakiin waxa uu sheegay markuu soo dhamaado baarista in dowladda Mareykanku ay bixinayso jawaab .

Hadalka kasoo baxay Xoghayaha Wasaarada Gaanshaandhiga ee dowladda Mareynkanka ayaa kusoo beegmaya xilli Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya uu sheegay  in dowladda Mareykanka ay qirsan tahay in aysan jirin shacab ku dhintay  duqeyntii ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Related Items


Leave a comment