Hay'ada Culumada Soomaaliyeed oo Walaac Ka Muujisay Qoondada Haweenka ee 30%

Sunday October 02, 2016 - 18:51:01
0 Comments
1463

Hay’ada culumada Soomaaliyeed ayaa maanta walaac ka muujisay qoondada 30% ah ee Haweenka ay ku leeyihiin hay’adaha dastuuriga ee Dowladda Federaalka Somalia, gaara haan Saamiga kuraasta Baarlamaanka la dhisi doono dhawaan.

Shir jaraa’id oo ay haya’dda culummadu ku qabteen Muqdisho, ayay ku sheegeen inay tahay in si siman Rag iyo Dumarba loogu Tartamo Kuraasta Aqallada Sare iyo Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, intii cid gaar ah meel loogu xiri lahaa kuraas gaar ah.

Sidoo kale, Afhayeenka Hay’adda Culumada Somaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xusay in Qorshaha Haweenka loogu sameeyay qoondada gaarka ah kuwo ay wataan kooxo dano gaar ahaaneed leh oo raba inay innaga na dumiyaan.

Mar la weydiiyay afhayeenka, inay xaq u leeyihiin haweenka inay kuraas ka helaan baarlamaanka si ay u helaan cid ku metesha
ayuu ku jawaabay. "Iyaga uma kala soocna; Baarlamaan, Madaxweyne iyo Wasiir. Haweenka waan aragnay waxay sheegeen in ay rabaan illaa madaxweyne waxaadna mooddaa inaysan sharciga eegayn.”

Sheekh Nuur Baaruud ayaa intaas ku daray. "Marka la eego Arrinta la xiriirta Baarlamaanka… Mid Annagu waan ka gaabsan lahayn Haddii ay Sameeyaan. Haddii ay Baarlamaanka u soo galaan sida ay Raggu ugu Tartamayaan oo ay u soo galaan, weliba iyagoo aqoon u leh, da’dooduna horay u badatay, ayna baarlamanaka gudihiisa anshaxa ku ilaaliyaan. Balse waxay leeyihiin innagu ragga ayaan la mid nahay.”

Afhayeenka, ayaa waxaa kaloo la weydiiyay su’aal ahayd; Dhaqanka Soomaalida inuusan u saamaxeyn inay Baarlamanka Federaalka u soo Tartamaan ayaa laga yaabaa, marka maxaad ku diidaysaan in 30% kuraasta baarlamananka loo banneeyo haweenka, wuxuuna ku jawaabay.

Hay’adda Culummada Soomaaliyeed ayaa waxay Dhanka kale ka digeen in la Musuq-maasuqo doorashooyinka la filayo inay dhawaan dalka ka dhacaan, iyagoo ku baaqay in mas’uuliyiin lasoo dooranayo lagu soo doorto aqoon iyo karti.

Related Items


Leave a comment