Baarlamka Puntland oo maanta ansixiyey xeerka Doorashada Puntland

Monday November 22, 2010 - 20:10:58
0 Comments
1483
Super Admin
Kalfadhii Baarlamka Puntland ayaa lagu ansixiyey xeerka Doorashada Puntland ee soo socota ay ku qabsoomi doonto iyo gudiga doorashada sida loo habaynayo

Ka dib dood dheer oo ay wada yeesheen mudane yaasha baarlamanka islamarkaana siweyn ay ugu falan qeynayeen xubnaha xeerkan ayaa maanta waxaa la isugu yimid sidii loogu codeyn lahaa oo loogu dhawaaqi lahaa natiijadada.

Iyagoo xeerkan wax ka dhimay islamarkaana wax ku daray, ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay oo ay xildhibaanadu codkoodii u dhibteen natiijada .

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa gaba gabadii halkasi kaga dhawaaqay codeynta Xildhibaanada ee Xeerka doorashooyinka Puntland waxaanu sheegay in 32 mudane ay u codeeyeen xeerka doorashooyinka Puntland iyadoo halkasi ay goob joog ka ahaayeen xildhibaanada Baarlamanka oo koramkooda dhamaa 46 Mudane.

Ugu dambeyntii Xeerkan doorashooyinka Puntland ayaa waxaa horay u soo asnsixiyay golaha wasiirada wasiirada Dowlada Puntland isagoo sugayay oo qura ansixinta Baarlamanka Dowlada Puntland oo iyana maanta Ansixiyay.

Related Items


Leave a comment