Mogdishi: Ansixinta Xukumada cusub ka dib oo wasiirada lagu dhariyey isla xarunta shacabka galabnimadaii

Sunday November 28, 2010 - 11:04:24
0 Comments
1286
Super Admin
Ansixinta Xukumada cusub ee mudane Maxmaed c/laahi ayaa wasiirada lagu dhariyey isla xarunta shacabka galabnimadaii ka dib markii cod aqlibayad leh lagu ansixiyey xubnahayhaas
Munaasabadaan lagu dhaarinayay Wasiirada, wasiir ku xigeennada iyo wasiiru Dowleyaasha Xukuumadda uu maanta ansixiyay Baaralamanka Somaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomalaiya Mudane Sh.Shariidf Sh. Axmed. Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh.aaden, R/wasaaraha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Xildhibano ka tirsan Mudaneyaasha gaoalaha Baaralamanka Somaaliya.

Golaha Xukuumadda ee uu soo dhisey Raysalwasaare Farmaajo ayaa u badan aqoonyahan muddo dheer ku noolaa dalka dibadiisa, waxaana ay ka koban yihin 18 wasiir 9 wasiiru dawle iyo 18 wasiir ku xigeen.

Ugu horeyn ayaa Munaasabadda waxaa lagu dhaariyay Xubno ka mid ah golaha Wasiirada Xukuumadda KMG, waxaana dhaarta kadib Makarafoonka la wareegay Ra’iisul wasaare Farmaajo oo ugu baaqay golahiisa cusub eewasiirada in looga fadhiyo inay wax ka qabtaan marxaladda adag ee uu dalka marayo, isagoo dhinaca kale golaha wasiirada u hambaliyeeyay.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, waxaa la eegi doonaa waxa ay qabato Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo ay xubnaheeda macal Ra’iisal Wasaaraha u badan yihiin dad aan horay dalka u sii joogi jirin oo dibadda ka yimid.

MCG online

Related Items


Leave a comment