Mogdisho: Wasiirki Federalka iyo Tastuurka Madobe Nuunow oo maanta xilka ku wareejiyey Wasiirka Xukumada Cusub

Monday November 29, 2010 - 20:44:59
0 Comments
2322
Super Admin
Wasiirkii hore ee Wasarada Federalka iyo Tastuurka Madobe Nuunow ayaa maanta xilka ku wareejiyey Wasiirka Xukumada Cusub Eng Banow waxaana mahad celin iyo si sharaf leh xilku ku wareejiyey wasiirki hore waxaana kula wareegay wasiirka Tastuurka iyo Arimaha Faderalka Mudane Maxamud Maxamed Baanow

Madoobe Nuunow ayaa munaasabadda ka sheegay waxyaabaha u soo qabsoomay wasaradda iyo halka uu marayo qabyo qoraalka dastuurka ee la doonayo in umadda Somaliyeed uu u noqdo Dastuur.

Waxa uu intaa ku daray in uu la shaqeynayo wasiirka cusub ee wasaaradda dastuurka, federaalka iyo dib u heshiisiinta isagoo warbixin ka siiyay halka ay marayaan howlaha wasaaradda iyo waxyaabaha u qabsoomay intii uu hayay talada wasaaradaasi.

Eng Maxamuud Maxamed Boonow oo maanta lagu wareejiyay xilka wasaaraddaasi ayaa uga mahad celiyay Madoobe Nuunow sida wanaagsan ee uu ugu wareejiyay xilka wasaaradaasi iyo balanqaadka uu u sameeyay ee ku aaddan in uu la shaqeynayo wasaaradda.

Wasiiradii kale ee maanta ka qeyb galay munaasabadda xil wareejinta wasaarada dastuurka iyo arimaha federaalka oo ay ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha bulshada iyo dhaqan celinta Prof. Dalxa ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka cusub xilka culus ee uu maanta la wareegay iyagoo Alla ugu baryay in uu la garab galo xilkaasi uu u qaaday shacabka somaliyeed.

Wasiirkaan ayaa ah kii ugu horreeyay ee la wareega xilkiisa golaha wasiirada cusub ee dhawaan la dhaariyay

Related Items


Leave a comment