Burtinle: Qaybti kowaad ee Lacagta madax furashada oo lagu wareejiyey Maamulka Somalida Ethoipia

Wednesday December 01, 2010 - 09:47:40
0 Comments
1449
Super Admin
Qaybti kowaad ee Lacagtii madax furashada ahayd ee lagu soo furanayey Odayaasha , dhalinyarada iyo Xooloaha ku xiran deegaanka Maygaage oo lagu wareejiyey Maamulka Somalida Ethoipia iyo ayada oo la filayo mudo yar ka dib in la siiyo xoriyadooda halka qaar ay hada heleen xoriyadooda.

Maamulka somalida ethiopia ayaa la wareegay lacagta madax furashada ee odayaalsha ku xirnaa xuduudka Somaliaya iyo Ethoipia ee Maygaagle.

Lacagta oo loo qaybiyey ilaa 3 qaybood ayaa waxaa maalinnimadii shalay waxaa la gudoonsiyey maamulka qaybtii koowaad halka qaybta labaad la gudoonsiin saaka qaybta hartayna ay tahay dayn oo mudo loo qabtay.

Dad ku sugan goobta ay ku xayiran yihiin odayaasha , dhalinyarada iyo xoolohu ayaa waxay noo xaqiijiyeen in maalinimadii shalay ay dalbadeed in lagala wareego xoolo maamulka hase ahaatee ay ku adkaysteen in aysan kala kaxaynayn inta meesha ku xayiran oo dhan.

Waxaa la filayaa in ay saacado ka dib ay helaan dhamaantood xoriyadooda ayaga oo la filayo odayaashu in ay isla galabta u fariistaan wada xaajood dhex mara ayaga iyo beesha ay colaadu dhex martay ee ay u gaareen in ay la hishiiyaan deegaankaas.

Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment