Gaalkacyo.Taliyihii Ciidanka Danbi Baarsita Dawlada Puntland ee Gobolka Mudug oo ladilay

Wednesday December 01, 2010 - 21:47:15
0 Comments
1358
Super Admin
Warsame Yuusuf Axmed ayaa Nin hubaysane uu Rasaas ku furay xili uu kasoo baxay Masjidka Al-towba ee Xaafada Israac,Iyadoo ay Rasaasta lagu furay ahayd Sadex Xabbo ayaa ay mid kamid ah ku dhacay,Waxaana Weerarkan oo ahaa iskuday dil taliyaha kasoo gaaray Dhaawac Fudud.
Dhaawaca Taliyaha ayaa la geeyey Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo,waxaana imika ay Takhaatiir katirsan kuwa gobolka Mudug ay kusuganyihiin gudaha Isbitaalkaas iyadoo ay ku Dabiibayaan Sarkaalkan u sareeya Ciidamada CID-da ee Gobolka Mudug.

Saraakiil katirsan Maamulka gobolka Mudug oo uu horkacayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa Isbitaalka gaaray Daqiiqado un kadib markii uu Weerarkani dhacay,waxaana ay Ciidamada Amaanku imika Baaritaano Culus ay ka wadaan Goobta uu Weerarkani ka dhacay.

Weerarkan loo geystay Taliyaha oo ay Walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane,Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa noqonaya midkii u horeeyey oo Mudooyin belo ah ka dhaca Magaalada Gaalkacyo,Waxaana ay Magaaladu Mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka daganayd Weerarka lagu qaado Madaxda Maamulka & Indheer garadka Gobolka.

M A G BURTINLETIMES.com

Related Items


Leave a comment