Mugdisho: Dawlada kmg ah oo ugu baaqday shacabka mudaharaad ka dhan ah shabaab

Saturday December 04, 2010 - 11:49:07
0 Comments
1373
Super Admin
Dawlada DFKM ah oo ugu baaqday shacabka soomaliyeed mudaharaad ka dhan ah xarakada al shabaab ee ka jirta dalka soomaaliya
Iyadoo maalinimadii shalay magaalada Muqdisho laga xusay qaraxyadii ka dhacay Hotel Shamo sanad kahor, kaasi oo ay ku geeriyoodeen Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG ah, arday iyo weriyayaal goobtaasi ku sugnaa, ayaa waxay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku baaqday in dalka laga hirgeliyo kacdoon dadweyne oo ka dhan ururka Al-Shabaab kaasi oo isagu sheegtay inuu ka dambeeyay qaraxyadaasi.

Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye oo khudbad ka jeeniyay munaasabad baroor-diiq ah kana dhacday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa ku dheeraaday sida shacabka Soomaaliyeed maanta ay u garan la’yihiin halka sartu ka qurunsan tahay isla markaasina looga leynayo ardaydoodii wax ku baratay dalkaan ay dagaalada iyo fowdada la degtay muddo ka badan 20-sano, oo uu sheegay in kuwii ka dambeeyay qaraxyadaasi iyagu caddeysteen.

“Ma arkeysid qof Dowladda taageersan, qof cayneysa maahee, mana arkeysid qof Al-Shabaab caynaya waa laga baqayaa” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in kooxahaasi ujeedadoodu aysan ahayn inay xukumaan, isagoona sheegay inay yihiin kooxo ka amar qaata shisheeye aan u tureynin dadkaan iyo dalka dhibaateysan.

Waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab loo soo diray sidii ay bulshada Soomaaliyeed indhaha uga ridi lahaayeen, taasi oo caddeyn muuqata u ah qaraxii ay ka geysteen Hotelka Shamo oo uu sheegay in lagu laayay shaqsiyaad indho u ah bulshada magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay Xildhibaan Maareeye in marka ay dhammaato ducada loo akhrinayo dadkii Hotelkaas ku geeriyooday sanad kahor ay dadweynaha Soomaaliyeed ku dhaqaaqaan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, “Anagu Dowlad baan rabnaa ha dhaheen” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa dhowr goobood oo kala duwan waxaa shalay lagu qabtay munaasabado loogu baroor diiqayo dadkii ku geeriyooday qaraxyadaasi, wuxuuna Xildhibaan Maareeye ugu baaqay Dowladda KMG ah inay u istaagto sidii u difaaci lahayd dadkeeda iyo dalkeeda, isla markaasina shacabka Soomaaliyed ayuu ku booriyay inay Dowladda garab ku siiyaan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha dhibaatada ku haya dalka.

Related Items


Leave a comment