Galgala: Dagaal mudo kooban ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kooxda Atom

Saturday December 11, 2010 - 10:54:48
1 Comments
2269
Super Admin
Dagaal mudo kooban ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kooxda Atom deeganka galgala ayaa waxaa laga dareemin Magalada Bosaso ayada oo Hospitalka Guud la keenay Dhawaca.
Wararka nagasoo gaaraya Galgala ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii ay weerar soo qaadeen xoogag uu hogaaminayay Sheekh Maxamed Saciid Atam waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo 2 saacadood ah.

Dhaawacyada Askar katirsan ciidamada Puntland ayaa la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso halka dhinacyada kalane ay dad ka waxyeeloobeen waloow aan la ogayn halka ay dhaawacyadooda dhigtaan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay bartamaha deegaanka Galgala kadib markii ciidanka Puntland ay dib ugasoo gurteen buuraha ku yaal duleedka degmada Galgala.

Ilaa iyo hadda labada dhinac wax wr ah kamasoo saarin dagaalkii shalay ka dhacay galgala, hogaamiyaha xoogaga kasoo horjeedo Puntland Maxamed Saciid Atam oo dhawaan lahadlay warbaahinta ayaa ku goodiyay in ay dagaalka kusii xooji doonaan maamulka Puntland.

Related Items

Comments


Leave a comment