Mogdisho: Dowlada Federalka oo taageero u muujisay Ciidamada Badda Puntland

Monday December 13, 2010 - 19:48:02
0 Comments
912
Super Admin
Dowlada Federalka oo taageero u muujisay Ciidamada Badda Puntland ee tababarku uga socda qaar ka mid ah Bosaso kuwaas oo ay maalgalinayso shirkad shaqsiyad lee yahay waxaa arinkaas ka hadaly taliyaha ciidanka dowlada Federalka Mudane Faarax Axmed Cumar (Qare) waxa uuna yiri

“Puntland waxa ay ka tirsantahay Soomaaliya waana arin wanaagsan in ay haatan ay tababarato ciidamo, wax wayn ayayna qabaraan…” ayuu yiri.. Faarax Qare Taliyaha Ciidamada bada ee dowlada FKMG Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamamada Bada ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haatan ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya ay howshooda meel wanaagsan ay marayso isla markaan ay soo badhigi doonaan wax qabad muuqda.

Hadalka Taliya ayaa waxa uu imaanayaa xili mudooyinkaan dowlada Puntland ay ku howlaneed tababarka ciidamada bada ee loogu talagalay ladagaalanka kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sii kordhaya kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida kuwaasi oo afduub u geesta gaadiid badeeda isticmaala biyaha Soomaaliya iyo waliba kuwa ka baxsan.


Ciidamada Badda ee tababarku u socdo ayaa la ogaan doonaa waxa ay ka sameeyaan Burcad badeed ay ka wada fajeceen Caalamku

kala soco www.burtinletimes.com

Saacid Qamaan"

Related Items


Leave a comment