Mogdisho: Warar deeraad ah oo laga helayo Qaraxii Maanta Ciidanka Dowlada ku dhacay

Monday December 20, 2010 - 22:56:46
0 Comments
1485
Super Admin
Warar deeraad ah ayaa laga helayo Qaraxitii Maanta Ciidanka Dowlada ku dhacay ka dib markii Miino ku qaraaxday gaari ay saarnaayeen ciidanku
Inta la ogyahay 5-qof ayaa ku dhimatay oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, tiro intaasi kabadna waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta barqadii ku qarxay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Miidanada ayaa la sheegay in inta aysan qarxin ciidamo ka tirsan dowladda ay kasoo bixiyeen naawixga hanta dheer ee Wadada warshada islamarkaana ay soo saareen gaari yar oo ay wateen ciidamada dowladda, waxaan la sheegay in ciidamada oo gaariga ku waday Miinada ay la qaraxday.

Dadka goobjooge yaal ah ayaa warbaahint qaarkeed u sheegay in ay arkeen meedka 4-askari iyo qof Haweeyney ah oo ku dhintay qaraxa miino iyo gaariga oo miinada saarneed oo bur buray.

Axmed yare oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee kusugan Ex Contarool Afgooye ayaa Shabelle u sheegay in warar been abuur ah ay yihiin in ciidamada dowladda ay halkaasi askari uga dhinteen, isagoo carabka ku dhiftay in sedax askari ay halkaasi uga dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa maanta waxaa howlgalo ka sameeyay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn cida ay howlgaladaasi ku soo qab qabteen.

Ahmed Cabdile "rassa" Mogdisho BTS Online

Related Items


Leave a comment