Puntland: Wasiirka Amniga puntland oo ka hadlay Amniga puntland

Friday December 31, 2010 - 17:22:45
0 Comments
905
Super Admin
Wasiir Axmed Khayr oo u waramayey Warbaahinta ayaa sheegay in amniga Puntland marayo meeshii ugu wanaagsanaa marka laga reebo gobolada Sool iyo Cayn.

Wasiirku wuxuu yiri waxaa ugu horeyn amaanta kowaad leh Ciidanka iyo Shacabka oo shaqo dheeraada qabtey sanadkaan, wuxuu tusaale usoo qaatey wasiirku Howlgalkii Galgala iyo Guulihii ay ciidamada amaanku ka gaareen dilalkii qorsheysnaa ee ka dhici jirey Bosaso, kuwasoo bishaan dhexdeedii lagu guuleystey in lasoo qabqabto dadkii ka dambeeyey, Wuxuu wasiirku kaloo sheegey in la oran karo hada Amaanka Puntland wuxuu marayaa meshii ugu wanaagsaneyd shantii sanoo lasoo dhaafey.

Sanadkaan dabayaaqada ah waxey Puntland soo martey marxalado adag oo ciidamadaqalabka sida iyo Boliskubaay fuliyeen howlgalo badan oo lagu sugayo amaanka kuwasoo guulo ay kasoo hoyiyeen, Ciidamadu waxey had iyo jeer heegan u yihiin sugida amaanka iyagoo taageero ka helaya shacabka.

Waxaa hada la rajeynayaa in ciidamada Daraawiishtu ay ka howl galaan dhinaca Gobolka Mudug, Sababtuna ma ahan Amaanxumo wayn ee ka jirta balse waxey xoojinayaan amaanka gobolka iyo xalinta khilaafaadyada dhex yaala beelaha kasoojeeda Koonfurta Gaalkacyo iyo dhinaca kale ee Puntland.

Marka laga hadlayo Amaan xumadii ka jirtey Puntland sanadihii lasoo dhaafey waxaa hada si toosa loo orankaraa Puntland waa ka gudubtey xaaladaas, waana ku guuleysatey sugida amaanka Guud ahaan, walow ay wali jiraan meelo ay ka dhacaan dilal goos goos ah lakiin kuwaasi ma ahan kuwo la xiriira dilalkii qorsheysnaa ee ka dhici jirey Puntland.

Wasiirka Abniga oo shaley ka hadley amaanka Puntland ma uusan soo hadal qaadin gobolada SSC ee ka maqan gacanta Puntland.

Related Items


Leave a comment