BTS: Shirka Golaha Wasirada iyo Qodobo ka soo Baxay (Sawiro)

Monday January 03, 2011 - 18:45:23
0 Comments
1027
Super Admin
Shirka golaha Wasiirada oo uu Shir gudoominayey raisalwasaare farmaajo ayaa lagu falanqeeyey Arimo dhowr ah ayada oo Ugu dambayntii Xukumada Howsheeda laga dhigay in ay noqoto shan Qodob oo kala ah

1.Amaanka Dalka oo sidii wax looga qaban lahaa Xooga la saaro.

2. In Xukumado Fuliso Maamul Wanaag " Waxqabad muuqda"

3. Hirgalinta Dastuurka Cusub ee Dalka si dhakhsaa.

4. In ay Samayso Wadada Dardargalinta Shir Dib u hishiisiin.

5. Sidii Wax looga Qaban lahaa Arimha Bini'aadanimo , Gargaarka iyoAbaarha.

Falaqayn Mudo socotay ka dibwaxaa Xukumadu go'aansatay in qodbadaan la hirgaliyo laguna sameeyo diiwan galin ayada oo la gu'aansaday sidii loo dhiirigalin lahaa Qodobadaan.

Golaha wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen qodob ku saabsan la dagalanka musuqmaasuqa iyo cirib tirka sidaasi darteed, guluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo guddi heer qaran oo ka howlgala la dagaalanka musuq maasuqa.

Qodobka saddexaad ayaa looga dooday sameynta xeer hoosaad u gaar ah golaha Wasiirada kana kooban 11 qodob oo ay ka mid ahaayeen xushmeynta iyo illaalinta Dastuurka Federaalka KMG ah oo ay balan qaadeen goluhu inay si daacadnimo ah u fulinayaan, soo celinta kalsoonida shacabka, hagaajinta dowlad wanaaga, illaalinta maslaxada guud ee Diinta, Dalka iyo dadka iyagoo ogolaaday inay ku dhaqmayaan dhamaan qodobadaasi xeerka u ah golaha Wasiirada.

Wuxuu kaloo goluhu isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen, ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed wuxuu dhegeystay dacwad uu xeer ilaaliyaha Qaranku ku soo oogay Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux kaasoo codsanaya in xasaanadda laga qaado kadib markii uu si sharci-darro ah ku galay dekeda Muqdisho, dood dheer kadib golaha waxay isku raaceen in guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyo arrintaasi

Muhannad Abdigani Geelle

BTS Online kala soco wararka oo dhan Caalanka warbaahinta Burtinletimes.com

SMC "tx"

Related Items


Leave a comment