BTS: Madaxda maamulka Shabaab ee jubooyinka oo Qaar xilka Laga xayuubiyey

Tuesday January 11, 2011 - 11:17:17
0 Comments
2038
Super Admin
Madax ka tirsan maamulka Xarakada Shabaab almujaahidiin ee Gobolka Jubada dhexe ayaa xilkii laga xayuubiyey ka dib markii ay eedeeyeen Madaxda maamulka sare ee Alshabaab.

Masuuliyiinta xilka laga qaadey ayaa la sheegey inay dhamaantood ka hawlgali jireen gobolada Jubadda dhexe,waxana lagu armay inay xilalkaasi wareejiyaan balse diidmo qayaxan bay kala hor yimaadeen.

Masuuliyiinta xilalkooda laga qaadey waxaa ka mid ah Shiikh Maxamed Dhaqane oo ah madaxii Amniga ee gobolada J/dhexe ,Shiikh Maxamed Qeyr oo madaxii dacwadda gobolkaasi & Shiikh Khadar Cismaan Raas oo ah madaxii xiirirka hay'adaha samafalka ee gobolkaasi.

Dhamaan masuuliyiintaas ayaa lagu armay inay xilalkooda wareejiyaan,waxaana ay sheegeen inaysan wareejin doonin hadii wax kasta dhacaan,waxaana ay shaaciyeen inay iyagu masuuliyiinta gobolkaasi yihiin.

Maamulka Alshabab ee gobollada Jubooyink ayaa la sheegayaa in la doonayo in isku shaandheyn lagu saameeyo,balse waxaa muran ka taagan yahay diidmada ay la yimaadeen masuuliyiinta xillalkoodu la qaadey.

Ahmed Aggooye.bts

Related Items


Leave a comment