BTS: Xukuno Dil Toogasho iyo Xarig lagu riday Sarakil Puntland Maxkamda Ciidanka Qalabka sida

Wednesday January 12, 2011 - 18:38:05
0 Comments
1380
Super Admin
Maxkamda Ciidanka puntland ayaa xukumo Dil Xarig ku kala riday Sarakil Ciidan oo lagu eedeeyey Dabiyo kala duwan.

Xukunadaani kala duwan ee lagu fuliyay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland oo isugu jira dil iyo xarig ayaa maxkamadu si toos ah u shaacisay Maanta.

Dhame C/kariin Xasan oo ah xerilaaliyaha guud ee Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo u waramayay Shabakadda WarbaahintaBurtinletimes ayaa sheegay in xukunka loo cuksaday saraakiishaani xeerka ciqaabta Ciidamada.

Saraakiisha xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala eedeynayaa falal ay ka mid yihiin dil dhaawac iyo amar diido, waxaana saraakiisha la xakumay ay magacyadooda kala yihiin sidaan hoos ku qoran.

1-Bashiir Max’ed Faarax oo 7-dii bishaan 3 askari ku toogtay Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso ayaa lagu xakumay dil toogasho ah.

2- Cabdi Wali Ciise Sheekh oo ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa maxkamada Ciidamada qalabka sida waxa ay ku xakuntay labo sano oo xarig ah kadib markii uu lunsaday qorigii dowladu ay ku aamintay.

3- Cawil Xasan iyo Max’ed Muuse oo laduba ahaa taliyihii ciidamada Puntland ee saldhiga Galgala iyo ku xigeenkiisa waxaa ay maxkamadu ku xakuntay min hal sano oo xariga ah kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Ma’ahan Markii ugu horeysay ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland xukuno nuucaani oo kala ah ay ku fuliso ciidamo ka tirsan Puntland balse xukunadaani ayaa waxaa ay kaga badalanyihiin kuwii hore in lagu fuliyay saraakiil halka markii hore lagu fulin jiray dabley iyo askar Caadi ah.

Shiikh Cawil Nasir

Related Items


Leave a comment