BTS: Xildhibanada DFKM ee soo jeeda Puntland oo laalay Go'aanka Puntland ee ku aadan DFKM

Tuesday January 18, 2011 - 10:30:00
0 Comments
1199
Super Admin
Xildhibaanada Dowlada KMG ee somalia ee ka soo jeeda Gobolada Puntland ayaa si wayn uga soo horjeen saday Go'aanka Maamulka Puntland ee uu ku dhawaaqay dhawaan in aysan dowlada KMG la shaqayn doonin ayna u jareen Xiriirkii kala dhaxeeye, Xildhibaanda ayaa ku tilmaamay go'aan aan laga fiirsan ahna mid laga xumaado

Xildhibaan Cabdulaahi Macali Cali oo ku magac dheer Kismaayo ayaa isaga oo ku sugan aqalka Barlamaanka Somaliya lana hadlayay warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in go’aankan ay qaadatay dawlada Puntland uu yahay mid laga xumaado

Waxana ay xildhibaanadu ku baaqeen in dib loo dhiso heshiiskii iyo xiriirkii ka dhexeeyay DKMS iyo dowlada Maamulka puntland.

Golaha wasiirada ee dawlada Puntland ayaa kulan deg deg ah oo ay Axadii aynu soo dhaafnay ku yeesheen xarunta magaalada Garowe ayaa waxa kaga dhawaaqeen in heshiisyadii ay la gashay DKMS ay bur bureen,iyaga oo ku eedeeyay DKMS in ay ka baaqsatay in ay fuliso heshiisyadii ay labada dhinac ku gaareen magaalada Galkacyo

Cigaal Warsame Shiikh

Xildhbaan

Related Items


Leave a comment