BTS: Xildhibano ka tirsan Puntland oo khilaafka Puntland iyo DFKM ku eedeeyey Madaxwayne Shariif in uu asagu wado

Thursday January 20, 2011 - 10:28:03
0 Comments
819
Super Admin
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaka Puntland ayaa Madaxwaynaha Somalia ku eedeeye in khilaafka Puntland iyo Dowlada FKM oo asagu ka dambeeyo .

Max’ed Jaamac Danaf oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka Maamulka Puntland oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif in ka dambeeyo qilaafka soo kala dhexgalay Maamulka goboleedka Puntland iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Jaamac waxaa uu sheegay in Sheekh Shariif uu qaaday talaabooyin aan horey looga baran Maamuladii dowladda KMG ee soo maray dalka Soomaaliya, wuxuuna meesha kasaaray in Puntland aan ka xumeyn magacaabista Ra’iisul wasaare Famaajo hase ahaatee, wuxuu sheegay in arintaasi ay Maamulka Puntland ay soo dhaweeyaan, isagoo xusay in Madaxweyne Shariif uu gaar ka dhigay Puntland.

Xildhibaankaan ka tirsan barlamanka Puntland ee Max’ed Jaamac Danaf ayaa dhinaca kale waxaa uu soo dhaweeyay in ay wada hadal galaan dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, wuxuuna arintaasi ku tilmaamay inay tahay mid isku soo dhawaynaysa labada dhinac ee iminka kala siksan.

Khilaafka soo kala dhexgalay dowladda KMG Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland ayaa maalmahaan dambe cirka isku sii shareerayay, iyadoo Puntland ay meeshaa kasaartay in wada hadal ay lagalaan dowladda KMG Soomaaliya.

Shaacuur warsame

Related Items


Leave a comment