BTS: Wafti Balaran oo ka socda Q.M ayaa maanta soo gaaray Puntland

Wednesday February 02, 2011 - 17:22:19
0 Comments
909
Super Admin
Waxaa maanta soo gaarey Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe wafdi Balaaran oo ay hogaamineyso Valerie Amos oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (UN-ka) u qaabilsan Arrimaha Bini’aadanimada (UN Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs).

Waftigaan ayaa ka koobnaa 10-xubnood uu ka mid yahay Mr. Mark Bowden oo ah Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadanimada u qaabilsan Somalia waxaana wehliyey saraakiil UN-ka ah oo fadhigoodu yahay magaalooyinka Garowe iyo New York.

Wafdigaan ayaa booqasho gaaban ku yimid Puntland iyagoo la kulmey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo warbixin kooban usoo bandhigey Mas’uuliyiintan booqashada ku yimid ayaa ka Hadley arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Amniga; Abaaraha; Xaalada Barakacayaasha (IDPs); iyo mowqifka Puntland DFKMG ah iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

Kadib kulankaan ayaa waxaa shir jaraa’id irrida hore ee Hoolka Shirarka Madaxtooyada Puntland si wadajir ah ugu qabtey Madaxweynaha Puntland iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha-Guud ee UN-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu mahad-celiyey imaatinka waftigaan isagoo xusey iney booqashadooda ku gaareen Kenya iyo Puntland si loo qiimeeyo xaaladaha bini’aadanimo.

Valerie Amos ayaa dhinaceeda sheegtey iney ku faraxsan tahay booqashadeeda Dowlada Puntland iyadoo ku dhawaaqdey in UN-ka ugu talagaleen wax ka qabadka abaaraha Somalia iyo tageerada dadka barakacayaasha ah lacag dhan 4.5 million dollar.

Ugu dambeyntii, Wafdigaan oo ay weheliyeen suxufiyiin caalami ah ayaa kormeer kusoo marey xeryaha barakacayaasha ee duleedka magaalada Garowe iyo dadka ay abaarahu soo waxleeyeen.

Mr jama Warsame BTS online Garwoe

Related Items


Leave a comment