Puntland oo sheegtay in Shabaab ay ka dambeeyaan amni darida Gaalkacyo

Thursday April 07, 2011 - 16:42:33
0 Comments
1265
Super Admin
Puntland oo sheegtay in Shabaab ay ka dambeeyaan amni darida Gaalkacyo

Gaalkacyo: Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku eedyay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab amni darida ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Iyadoo mudooyinkii dambe dhinaca Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ay ka jireen qaraxyo iyo dilal qoshaysan oo loo gaysanayo Mas’uuliyiinta gobolka iyo Sarakiisha ciidamada ayaa hadana arimaahaasi markii ugu horeeyay waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Mudug.

Axmed Cali Salaad Faarax oo ah gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka gobolka Puntland oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay amaanka magaalada Gaalkacyo oo mudooyinkii dambe ay ka jireen falal liddi ku ah amniga, isagoo ku eedeeyay qaraxyada inay ka dambeeyaan Xarakada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada amniga ee Maamulka goboleedka Puntland ay xaafadaha Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ay ka wadaan howlgalo xoogan oo lagu sugayo amniga Magaaladaasi oo uu tilmamay in loo baahanyahay inay iska kaa shadaan laamaha amaanka iyo shacabka ku dhaqan Gaalkacyo si looga hortago dadka falalka amaan dari ka wada gobolkaasi.
Hadalka kasooo yeeray Maamulka gobolka Mudug ayaa kusoo beegmaya xili inta badan Woqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan howlgalo xoogan oo lagu sugayo guud ahaan amniga Magaalada Gaalkayo ee Xarunta gobolka Mudug.

Wixii war ah ka soo kordha kala xariir isha wararka

Burtinletimes.com


Related Items


Leave a comment