Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee magaalada London oo xaflad taageero iyo dardaaran ugu qabatey Wasiir ku xigeenka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya–

Sunday April 10, 2011 - 14:41:22
0 Comments
1230
Super Admin
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee magaalada London oo xaflad taageero iyo dardaaran ugu qabatey Wasiir ku xigeenka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya–

Xaflad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada kala ah Somali International Football Association iyo Saleban Sports Foundation ayaa waxay ka dhacday magaalada London, ujeedada loogu tala galay ay aheyd in loogu hambalyeeyo islamarkaana laguna sagootinaayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga Mudane Ali Afgooye ayaa waxay u dhacday si aad u wanaagsan oo qurux badan.

Xafladaan waxaa ka soo qayb galay Jaalliyadaha Sports Soomaaliyeed ee kala ah Jaalliyadda Liverpool, Bolton, Manchester, Birmingham, Leicester iyo Jaalliyadda ugu weyn e ee deganmagaalada London.

Waxaa kaloo ka soo qayb galay ururo sport, rug cadaa sport iyo wariyayaal sport.

Xafladaan mid la mid ah oo aan ka dhicin dhawaanahan dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka hadlay dhammaan bahdii sportska oo ay isugu jiraan ciyaartoydii berrisamaadkii, maamulkii sports ee dawladdii hore, tababarayaal iyo garsoorayaal, dhammaantood dadkaasi waxay talooyin iyo hambalyaba u jeediyeen wasiir ku xigeen wasaaradda Dhalinyarada ityio sportska mudane Cali Afgooye .

Waxaa kaloo dadkaasi wasiirka kula dardaarmeen in uu Ilaaheey shaqadan dhibka badan u fududeeyo, dadkana uu kula dhaqmo dabci wanaag iyo caddaalad, islamarkaana qaabka loo maamulo isboortiga dalka Soomaaliya waji ka duwan wajiga uu yahey laga badalo iyadoo gacanta dadka isboortiga ah lagu soo celiyo iyadoo loo marayo sharciga iyo cadaalada.

Markaa ka dibna waxaa khudbaddii la wareegay Wasiirka ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo Sportska Mudane Cali Afgooye, isagoo uga mahad celiyey hambalyaddi wanaagsanayd ee ay u soo jeediyeen saaxiibadiisa, kana guddoomay iyo fariimihii ay fareenna u gudbin doono Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada iyo guud ahaan Dowlada Soomaaliya.

Bahda turxaan bixinta isboortiga ayaa si cad ugu sheegay inay doonayaan inay arkaan qaab ka duwan qaabka lagu socdo iyadoo la raacayo jidkii u waday AUN Marxuum Saleebaan Colaad Rooble, islamarkaana la isugu yimaado shirweyne lagu jaan gooynayo qaabka siyaasada isboortiga dalka Soomaaliya lagu qaabeyn lahaa hadii Allah idmo.

W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment