Xaflad lagu aas aasay urur cusub oo ka dhacday degmada Burtinle (Dawo Sawiro)

Tuesday April 12, 2011 - 22:14:11
0 Comments
2238
Super Admin
Xaflad lagu aas aasay urur cusub oo ka dhacday degmada Burtinle

xafladii lagaga dhawaaqayey ururkaan galabta ayaa waxaa kasoo qeyb
galey Xildhibaan Bashiir liilan oo kamid ah baarlamaanka puntland , gudoomiyaha Degmada Burtinle Axmed Khaliif Faarax, xooghayaha Dowlada hoose ee degmada burtinle xaafid c/isaaq axmed calas ,nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa halkaas kahadley Xooghaya dowlada hoose oo soo
dhaweeyey ururkaan cusub isagoo sheegay in mar waliba muhiim tahey
isku duubnida bulshada ururkaan cusubna ay lashaqeyn doonaan loogana
fadhiyo iney qeyb kanoqdaan howlaha wax qabad ee dadka burtinle si
wada jir ahna uqabsadaan howlahooda

Waxaa kale oo isna kahadley gudoomiyaha degmada axmed khlaiif faarax
Oo sheegey inuu soo dhaweynayo cid allaale iyo cidii kashaqeeyneysa
isku xirka iyo wax qabadka bulshada

waxaa kale isna halkaas hadal dheer kasoo jeediyey gudoomiyaha
ururkaan cusub Dr Iidi Abuukar Mahdi isaga xusey in ay kashaqeyn
doonaan isku xirka bulshada deegaanka burtinle


waxuu kaloo sheegay in dad badan oo kasoo qaxey koonfur oo
barakacayaal ahina ay kusugan yihiin degmada burtinle una baahanyihiin
in wax lala qabto dhanka waxbarashada ,caafimaadka iyo nolol
maalmeedkooda kana codsadey dadka deegaanka , dowlada ,hay’addaha iyo dhammaan umada soomaaliyeed in gacan lasiiyo dadka jilicsan ee degmada kuwaasoo xaaladoodu adagtahey kadib biyihii oo gabaabsi ah
waxaa kale usheegay Dr iidi in dadku kashaqeysan jireen dhismaayaasha
hada aysan wax laga shaqeeyo aysan jirin biyo la’aan awgeed

Waxaa ugu danbeyn xaflada soo xirey Xildhibaan Bashiir C/casiis Liilan
waxuu yiri waxaan soo dhaweyneynaa ururkaan cusub waxaana kudhiiri
galinayaa howlaha ay kashaqeynayaan waxaa kale oo uu iftiimiyey
xildhibaanku muhiimada ay leedahay isku duubnida bulshada .

Ururkaan oo loogu magac daray Majutu ayaa waxaa kumidoobay dadka laga
tiro badanyahey, dadka laheyb sooco iyo barakacayaasha waxaana
lasheegay in wax kaqaban doono baahiyahooda iyo isku xirka bulshada
inteeda kale.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment