Madax waynaha Somalia oo Si Deg Deg ah Dalka ugu soo laabtay

Saturday April 16, 2011 - 01:27:53
0 Comments
962
Super Admin
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed ayaa safar qaatay 24saac ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho

Shiikh Shariif Axmed Madaxweynaha DFKMG Soomaliya ayaa shalay safar ugu baxay magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu kulan saacado qaatay kula yeeshay Raysalwasaaraha Dowlada Itoobiya Atto Meles Zenawi.

Kulanka Shiikh Shariif iyo Zenawi ayaan wax faah faahin dheeraad ah laga bixin, walow warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFKMG lagu sheegay in labada dhinac kawada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac.

Safarka Shiikh Shariif Axmed ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii uu safaro gaaban uu ku tagay qaar kamid ah dalalka Afrika, gaar ahaan Ugandha iyo Rwanda.

Madaxweynaha DFKMG ayaa safarka uu ku tagay Itoobiya lagu sheegay mid wadatashi uu kula yeelanayey Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya jaarka yihiin, xili ciidamo ay gacan siinayaan kuwa Itoobiya ay dagaalo kooxda Al Shabaab kula galeen gobalka Gedo ee Galbeedka dalka Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayey safarka ku wehliyeen wasiiro ay kujireenWasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Fiqi iyoWasiirka Maaliyada Xuseen Xalane, iyo xubno kale oo kamid ah Xukuumada DFKMG.

Safarkan qaatay 24ka saac ee madaxda Dowlada Federaalka KMG Soomaaliya ay ku tageen Addis Ababa ayaa ahaa mid aan horey loo sii shaacin.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dooneyso muddo kooban gudaheed inay dalka Soomaaliya uga saarto kooxaha kasoo horjeeda ee Xararkada Al Shabaab, kuwaasi oo gacanta ku haya inta badan koonfurta dalka Soomaaliya.

DFKMGayaa xiligan sidoo kale la tacaaleysa sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd xaafadaha magaalada Muqdisho ka kooban tahay iyo gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo in muddo ah xiran kadib dagaaladii ay ciidamada dowlada iyo AMISOM ku qaadeen xoogaga Al Shabaab ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Dowlada Ugandha ayaa dhawaan sheegtay inay ciidamo dheeraad ah usoo diri doonto dalka Soomaaliya khaasatan magaalada Muqdisho, si ay u xoojiso ciidamada AMISOM, kuwaasi oo la filayo bilaha soo socda in lagu soo kordhin doono 3000 askari.

Xiligan ayey dowlada Federaalka Soomaaliya soo fuuleen culeys la xariira wakhtigii dowlada loogu talo galay oo ku eg bisha Agoosto ee soo socota, ayadoo Beesha Caalamka muujisay rabitaanka in isbedal lagu sameeyo DFKMG.

Dowlada Itoobiya ayaa ayadu dhanka Beesha Caalamka saameyn kuleh gaar ahaan Midowga Afrika, oo xiligan su’aalo iska weydiinaya awooda ciidamada AMISOM iyo in ciidamadaasi loo fasaxo inay dagaalo toos ah la galaan xoogaga DKMG kasoo horjeeda ee kusugan Muqdisho iyo waliba gobalada kale ee dalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa sidoo kale saameyn toos ah ku leh dalka Soomaaliya ayadoo ciidamada Itoobiya ee xaduuda Soomaaliya ku sugan ay gacan xoogleh siiyeen ciidamadii Dowlada Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ee dhawaan gacanta ku dhigay qeybo kamid ah gobalka Gedo, ciidamadaasi DFKMG iyo Ahlu Sunna ee Gedo ayaa hada qorsheenaya in sidoo kale qabsadaan magaalooyin dheeraad ah oo ay hada gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa horey u sheegay in macquul ay tahay in ciidamada Itoobiya ay markale gudaha Soomaaliya galaan hadii taasi loo baahdo, wuxuuna Raysalwasaaraha Itoobiya horey wareysi uu usiiyeytelefishonka Aljazeera sanadkii lasoodhaafayuu ku faanay guushii ugu weyneyd oo ay ciidamada Itoobiya ka gaareen duulaankii ay Soomaaliya ku galeen ay tahay in ay kala qeybiyeen xoogagii Maxkamada Islaamiga, isla markaana kooxda Al Shabaab ay kasoo horjeediyeen xoogagii horey xulafada ulla ahaa oo uu kamid yahay Shiikh Shariif Axmed oo horey mar u ahaan jiray hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya.

Wixii war ah oo ka soo Kordha kala Xariir isha wararka

Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment