Agaasimaha Diinta Iyo Awqaafta Wasaarada Diinta Puntland oo la Dilay

Sunday April 17, 2011 - 00:45:47
0 Comments
1199
Super Admin
Agaasimaha Diinta Iyo Awqaafta Wasaarada Diinta Puntland oo la Dilay
Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay agaasimihii awqaafta iyo diinta ee wasaaradda cadaaladda maamul goboleedka Puntland, Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

Dilka marxuumka oo loo adeegsaday miinada dhulka la galiyo ee lagu hago rimuudka, ayaa lala beegsaday gaari uu saarnaa oo marayay xaafad ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Afar ruux oo ay ku jiraan ilaaladiisa iyo dad rayid ah oo goobta ka ag dhawaa ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana durba goobta soo gaaray ciidamada booliska Puntland oo howl-gallo ka billaabay halka uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay agaasimaha, waxaana dilkiisa uu yimid xilli todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo lagu dilay nin ganacsade ahaa.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment