Mas’uul ka tirsan Dowlada Puntland oo ka hadlay dhacdadii gaalkacyo

Monday April 18, 2011 - 03:18:23
0 Comments
976
Super Admin
Mas’uul ka tirsan Dowlada Puntland oo ka hadlay dhacdadii gaalkacyo

Gaalkacyo: Mas’uul ka tirsan Dowlada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhacdooyin is xig xigay oo shalay, xalay iyo saaka ka dhacay magaaladaGalkio markaasoo masaajiyo magaalada ku yaal lagu laayay dad jameecada ka tirsan iyo dilkii loo gaystay agaasimaha wasaarada diinta iyo owqaafta.

dhacdadaasi oo ugu yaraan ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 5 ruux ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dowlada Puntland Axmed Cali Salaad Faarax kaasoo wariyayaasha shir jaraa’id u qabtay.

Axmed Cali Salaad waxaa uu daboolka ka qaaday inay aad uga xun yihiin falalkaasi amaan xumo ee magaalada ka dhacay wuxuuna ugu baaqay shacabra reeg Gaalkacyo inay is dejiyaan islamarkaana fursad siiyaan hay’adaha amaanka.

“shacabka gaalkacyo waxaan leenahay is dejiya fursadna siiya hay’adaha amaanka ,iyadoo ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay falalkaasi dilka ahaa”ayuu yiri Axmed Cali Salaad faarax gudoomiyaha Gobolka Mudug

Gudoomiyaha waxaa uu deganaan iyo ka fiirsasho ugu baaqay dadka uu sheegay inay ku kala duwan yihiin mabaadii’da iyo caqiiqadada.

Ugu danbeyn Gudoomiye Axmed Cali Salaad waxaa uu sheegay in ciidamadu soo qabteen dad lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen dilkii loo gaystay Agaasimihii wasaarada garsoorka,cadaalada,diinta iyo owqaafta sh.ismaaciil xaaji.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka

www.Burtinletimes.com

Galkio

Related Items


Leave a comment